Maxaa ay kala yihiin kilowatt iyo kilowatt saacadiiba?
Sida ugu fudud ee loo sharraxi karo kilowatt iyo kilowatt saacadiiba (kilowattimme) waxa ay tahay inaaad eegto waxa loola jeedo “awoodda” iyo “tamarta”.
Awoodda iyo Tamarta
“Awoodda” waxaa loola jeedaa xaddiga tamarta korontada ah ee qalab uu isticmaalo ama ku soo saaro wakhti. Awoodda waxaa lagu cabbiraa watts (W). Markasta oo qalab uu isticmaalo awood badan, waa markasta oo tamarta uu ubaahan yahay siduu ushaqeeyaa ay badato.
Tamarta waxaa loo xisaabiyaa “awoodda x wakhtiga” waxaana lagu cabbiraa watt saacadiiba (Wh). Haddii aad doonayo inaad ogaato inta tamar ah ee aad isticmaasho marka aad qalab isticmaalayso, kaliya ku dhufo awoodda wakhtiga aad isticmaasho.
Kilowatt and kilowatt saacadiiba
Hal kilowatt waxaa loola jeedaa “kun watts”. Tamarta waxaa guud ahaan lagu cabbiraa kilowatt saacadiiba (kWh), tanoo ah magaca kale ee “kun watt saacadiiba”. Marka ay noqoto biilka korontada, waxa aad caadi ahaan arki doontaa “kilowatt saacadiiba” tanoo ah cabbirka loo isticmaalo si loo sheego inta koronto ah ee aad isticmaashay.
Tusaale xisaab ah
Haddii, tusaale ahaan, aad haysato weel dhaqo awoodiisu tahay 1,500 watt, kaasoo aad isticmaasho laba saacadood, tani waxay soo saaraysaa tiro ah 3,000 oo watt saacadood, ama 3 kilowatt saacadood.
Intee inleeg ayaa kWh la isticmaali karaa?
Sida saxda ah inta aad uga faa’idaysan karo kilowatt saacadiiba (kWh) waa ay kala duwan tahay. Halkan waxa aanu soo ururinay tiro tusaalayaal ah oo qiyaasaya inta hal kilowatt saacadiiba (kWh) ay ka shaqaysiinayo qalabka elekteroonigga ah ee caadiga ah ee aad guriga ku haysatid.
Tusaale | Wattage | Wakhti |
Advent candelabra, LED | 0,7 W | 1,428 saac |
Laydhka xaasawda leh | 40 W | 25 saac |
Laydhka LED | 1 W | 1,000 saac |
Laydhadh yaryar oo isku xidhan | 10 W | 100 saac |
Laydhadh yaryar oo isku xidhan | 30 W | 33 saac |
Laydhka tamartiisu hoosayso | 7 W | 143 saac |
Tusaale | Wattage | Wakhti |
Air fryer | 1,200-2,250 W | 25-50 daqiiqo |
Weel dhaqe | 1,000 W | 1 saac |
Shiidaha elekteroonigga ah (Electric mixer) | 500 W | 2 saac |
Marawaxad (loogu talo galay waxkarista, oo ay ka mid tahay ifintu) | 200 W | 5 saac |
Qaboojiso, fasalka A++ | 31 W | 32 saac |
Mashiinka shaaha | 1,500 W | 40 daqiiqo |
Tallaajad, A++ | 13 W | 77 saac |
Foornada microwave ka ah (full power) | 1,000 W | 1 saac |
Makiinada kulaylinta roodhida (Toaster) | 1,000 W | 1 saac |
Heerka karinta, induction (one zone on) | 3,000 W | 20 daqiiqo |
Heerka karinta, induction (max. power, all zones on) | 7,350 W | 8 daqiiqo |
Heerka karinta, rapid zone | 1,500 W | 40 daqiiqo |
Heerka karinta, frying zone | 2,000 W | 30 daqiiqo |
Foornada | 2,300 W | 26 daqiiqo |
Kildhiga Elekteroonigga ah | 2,200W | 27 daqiiqo |
Tusaale | Wattage | Wakhti |
Qubaysiga | 5,000 W | 12 daqiiqo |
Qubaysiga | 1,000 W | 60 daqiiqo |
Birta kulaylinta tuwaalka | 30-200 W | 5-33 daqiiqo |
Timo qallajiyaha | 2,200 W | 27 daqiiqo |
Curling tongs | 55 W | 18 saac |
Mindi elekteroonig ah | 5 W | 184 saac |
Tuusale | Wattage | Wakhti |
LED/LCD-TV (on) | 71 W | 14 saac |
Game console | 91 W | 11 saac |
Tusaale | Wattage | Wakhti |
Kaawiyadda | 2,200 W | 27 daqiiqo |
Qolka qalajiyaha | 1,000 W | 1 saac |
Tumble-dryer, nooca B | 2,000 W | 30 daqiiqo |
Mashiinka dhar dhaqa (40 digrii) | 500-1,000 W | 30-60 daqiiqo |
Mashiinka dhar dhaqa (60 digrii) | 2,000 W | 30 daqiiqo |
Tusaale | Wattage | Wakhti |
Qaboojiyaha (A/C) | 1,000 W | 1 saac |
Sauna | 6,000 W | 10 daqiiqo |
Nadiifiyaha (Vacuum cleaner) | 700 W | 1,4 saac |
Kombuyuutar (stationary, loo isticmaalo in lagu ciyaaro gaymam | 100 W | 10 saac |
Electric radiator | 1,000 W | 1 saac |
Sare u qaadidda korontada tuubada kulka/kulka dhulka laga dhaliyo | 3,000 W | 20 daqiiqo |
Kulka sagxadda (1 m2) | 128 W | 8 saac |
Kulka infra (Infra-heating) | 1,800 W | 33 daqiiqo |
Dabaynta gaadhiga elekteroonigga ah (10 kW) | 10,000 W | 6 daqiiqo |
Dabaynta gaadhiga elekteroonigga ah (4 kW) | 4,000 W | 15 daqiiqo |
CDabaynta laptop-ka | 67 W | 15 saac |
Dabaynta moobilka | 5 W | 200 saac |
Air heat pump (isticmaalka caadiga ah/isticmaalka loo isticmaalyo karinta) | 500-1,200 W | 50 min-2 saac |
Kulayliyaha mashiinka | 670 W | 1,5 saac |
Radio | 50 W | 20 saac |
Jacuzzi (3–400 kWh/sannadkiiba) | 500 W | 2 saac |
Mashiinka tolmaha | 71 W | 14 saac |
Kulayliyaha biyaha (elekteroonig ah) | 3,000 W | 20 daqiiqo |