Korontada aad keydisaa faa’ido ayaa ay leedahay

Suuqaqa korontada ee Iswiidhan iyo Yurub waxaa dul saaran cadaadis aad u badan wakhti xaadirkan. Qiimayaashu aad ayay kor ugu kaceen waxaana ay u badan tahay in ay sii kordhi doonaan. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu ka wada shaqayn karnaa si aynu xaalada u wanaajino waayo korontada aad kaydiso oo dhammi waxay saamaynaysaa qiimaha adiga iyo jaarkaagu -. ay tahay inaad bixisaan. Halkan waxaa ah xog ku saabsan xaalada hadda lagu jiro iyo waxa aad samayn karto aad u yarayso isticmaalka korontada.

Acceptera kakor (cookies) för att se innehållet.

Intee in le’eg ayaa kilowattka saacadiiba (kilowattimme – kWh) ku fuilan yahay?

Ma ogtahay caddadka korontada aad maydhashada subixii u isticmaasho? Ama inta korotada ah ee tuwaalka la kulayliyay uu sida saxda ah u isticmaalo? Baro oo u ogoow korontada aad isticmaasho si aad uxeel dheer waxaadna ogaataa inta qalab koronto ee kilowatt saacadiiba (kWh) uu ka shaqaysiin karo iyo muddada uu ka shaqaysiin karo - gurigaaga.

Sidee ayuu suuqa korontadu u shaqeeyaa?

Suuqa korontada ee iswiidhan waxa uu ka kooban yahay qaybo waawayn oo midkastaaba kan kale ku xidhan yahay. Si aynu innagu u xaqiijino inaynu helno koronto la isku halayn karo, waxaynu u baahanaay inaynu usoo saarno koronto ku filan dhammaan Iswiidhan si uu si habsami ah ugu shaqeeyo suuqa korontadu iyo si awood loogu yeesho soo dejinta iyo dhoofinta korontada.

Sidee ayaan u yarayn karaa istcmaalka korontada?

Meel fiican oo aad ka bilaabi kartaa waa inaad ogaato isticmaalkaaga korontada. Maxaad u isticmaashaa korontada? Marka aad arintaan ogaato, waxa aad diyaar u tahay inaad samayso isbedello. Xaqiiqadu waxay tahay in xattaa isbedellada aad ku u yari ay farqi wayn samayn karaan. Halkan waxaa ah fikrado dhowr ah oo ku saabsan waxyaabo fudud oo aad samayn karto si aad u yarayso labadaba korontada aad isticmaalayso iyo lacagta kaa baxaysa.